DEG DEG: Dagaal udhexeeyo ciidanka dowladda Federaalka iyo ciidanka Jubbaland oo ka qarxay Raaskambooni.

Jubbada Hoose (Raxanreeb online) – Faahfaahino kula duwan oo kasoo baxaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in goordhow uu halkaasi ka qarxay dagaal udhexeeyo ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysay gobolka Raaskambooni.

Sidoo kale, dagaalka ayaa salka ku hayo khilaafka u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo mar kale shalay lagu doortay magaalada Kismaayo, laakiin waxaa dib u doorashadiisa diiday dowladda dhexe.

Dhanka kale, ilo dadka deegaanka ah ayaa Raxanreeb online u sheegay in labada ciidan ay isku dhaceen, isla markaana uu dhex-maray iska hor imaad, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

War qoraal ah oo lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen ciidamada dowladda goob ay ku sugnaayeen ciidamada Daraawiishta ee maamulkaasi.

“Malayshiyaad dowladda fadaraalka Soomaaliya ay labadii maalin ee u dambeysay kusoo daabuleysay Deegaanka  Raaskaambooni ee Dagmada Badhaadhe  kuwaa oo ay ujeedo siyaasadeed ka lahayd  ayaa weerar gardarro ah ku qaaday ciidamada Jubbaland ee fariisimaha ku lahaa deegaanka Raaskaambooni Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland oo gacanna kula dagaalamaya kooxaha Alshabaab ah ayaa  iska caabiyay Maleeshiyaadka Muqdisho looga keenay khalkhal galinta  amniga iyo xasiloonida ay ahaystaan shacabka Jubbaland”.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda go’doomin ku hayso maamulka Axmed Madoobe, waxaana maanta iyo shalay ciidamo badan lagu daabulay gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Gedo, si ay uga howlgalaan halkaasi.

Ugudambeyn, dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ku gaartay in laga hortayo Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, kadib markii ay sharci darro ku tilmaamtay dib u doorashadiisa, waxaana xalay golaha wasiirada ay soo saareen go’aan lagu maxkamadeynayo Axmed Madoobe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.