DEG -DEG :  Mahad Salaad oo lagu bedelay Sambaloolshe.

DEG -DEG :  Mahad Salaad oo lagu bedelay Sambaloolshe.

Muqdisho (Raxanreeb )-War kooban oo ka soo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in  Golaha Wasiirada Soomaaliya Mahad Salaad ay ka ogolaadeen soo jeedin ah inuu baneeyo xilka Taliyaha Hay’adda NISA.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in intii xilka hayay Mahad Salaad  wax badan  laga qabtay arrimo dhawr ah oo ku saabsan amniga guud ahaan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in xil ka tagidda Mahad Salaad oo muddo la hadal hayay ayaa ugu dambeyn xalay soo dhamaatay, kaddib markii uu xalay macsalaameeyay Saraakiisha Hey’adda NISA.

Waxaa lala xiriirinayay shaqo ka tagidda arrimo la xiriira isu-diyaarinta iyo hami uu ugu jiro xilka Madaxtinimada Galmudug oo si gaar ah ugu gudbiyay Madaxda sare ee dalka iyo saaxibadiisa.

Mahad Salaad ayaa xilkan loo magacaabay 26-kii May ee 2022-kii, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna kahor ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.