DEGDEG: Rabshado khasaaro sababay oo ka dhacay xabsiga magaalada Baki

DEGDEG: Rabshado khasaaro sababay oo ka dhacay xabsiga magaalada Baki

Baki ( Raxareeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baki ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in xabsiga magaaladaasi ay ka dhaceen rabshado khasaaro geystay.

Int la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay rabshadaha hal qdhaawacmay, waxaana arrintaasi ay timid kaddib markii gadood ay sameeyeen maxaabiista ku jirta xabsiga degmada Baki ee gobolka Awdal,

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in ciidanka gacanta ku hayaha xabsiga ay xakameyeen xaalada, isla markaana ay joojiyeen gadoodkii ay sameeynayeen maxabiista.

Weli laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta degmada Baki ee gobolka Awdal faah faahin dheeraad ah kama aysan bixin sababta ay gadoodka u sameyeen maxabiista ku jirta xabsiga weyn ee degmada Baki ee Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.