DF oo wadahal la gashay dalalka kala ah, UK Holland Norway

DF oo wadahal la gashay dalalka kala ah, UK Holland Norway

Nairobi (Raxanreeb) — Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa kulamo kala duwan ka wada gudaha magaaladaasi oo uu uga qayb-galayay shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiir Biixi, ayaa kulamo duceedyo ku saabsan arrimaha dhaqaalaha la yeeshay masu’uliyiin kala socda dowladaha sida UK Holland, iyo Norway, iyagana qeyb ka ahaa shirkaasi.

Biixi, ayaa si gaar ah, ula kulmay Wasiirrada Horumarinta Dowladaha UK iyo Norway, Mr. Andrew Mitchell Uk, Mrs. Bjørg Sandkjær Norway, waxayna wada hadalkooda diiradda ku saareen mudnaanta dhaqaale ee Soomaaliya deyn cafinta kadib iyo taageerada horumarinta Maaliyadda.

Sidoo kale Wasiir Biixi ayaa la kulmay Ergayga gaarka ah, ee Bariga Afrika u qaabilsan dowladda Netherlands Mrs. Sanne Loewenhardt, oo ka mid aheyd ka soo qayb galayaasha shirka Bangiga Horumarinta Afrika isagoona kala hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka.

Shirkan gaarka ah, inta uu socday ayuu uga mahad celiyay Wasiirka Biixi Iimaan Cige, oo kulamo duceedyo la yeeshay Wsiirrada Maaliyadda UK Norway iyo Holland sida wanaagsan ee uga soo qeyb qaateen geedi socodkii hannaanka isbaddalka maaliyadda Soomaaliya oo soo maray waddooyin kala duwanaa oo howl badan laga soo qabtay.

Wasiir Biixi ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya, ay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka, iyadoo looga faa’iideysanayo arrimaha deyn cafinta oo markii hore caqabad ku ahayd maalgashiga Soomaaliya.

Soomaaliya, ayaa haatan qaaday tallaabooyin dhowr ah, oo horumar lagu sameynayo kaas oo qeyb ka yihiin sida deyn-cafinta, qaadista cunaqabateynta Hubka iyo ku biirista Suuqa Bariga Afrika, oo isna ah mid muhiim ah.