Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dalka dib ugu soo celineyso toban kun oo Askari oo tababar ku soo qaatay qaar ka mid ah waddamada Soomaaliya dariska la’ah iyo kuwa ka tirsan Qaaradda Afrika, iyada oo Dowladda Imaaraadka carabta ay bixineyso dhammaan qarashaadka ku baxaya Ciidankaan.
Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyay muuqaal baahiyaha Universal Tv ayaa ka hadlay Ciidmo la sheegay in dhawaan magaalada Muqdisho dib loogu soo celinaya kuwaas oo tababar ku soo qaatay dalalka; Itoobiya, Eritrea, Uganda iyo Masar.
Xuseen Sheekh ayaa sheegay in Ciidankaan tababarkooda, Saanadooda iyo Mushaarkooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta. Isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Isbuucyada soo socda waxaa soo dhameystirmaya 10,000 Askari oo qarashaadka ku baxaya ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta.” Sida uu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshaha ay guud ahaan Amniga Dalka kula wareegi lahayd, iyada oo Ciidanka ATMIS lagu wado in ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka 2024-ka, balse warar soo baxaya ayaa waxa ay tibaaxayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu damacsan yahay in loo sameeyo muddo kordhin laba sano Ciidanka nabad ilaalinta.
Qubarada iyo falan qeeyaasha arrimaha Amniga Dalka ayaa ka digaya faragalinta dowladda Imaaraadka carabta ee dhanka Ciidanka, xubnahaan ayaa ka digaya in Soomaaliya ay marto sida dalalka; Yamen, Suudaan iyo Liibiya, taas oo la sheegay in Ciidamo ay qarashgareysay Dowladda Imaaraadka ay dagaalo abaabulan ka fuliyeen dalalkaan.