DIGNIIN  & khatar laga soo saaray dhibaatada ka dhalan karta roobka gu’a.

DIGNIIN  & khatar laga soo saaray dhibaatada ka dhalan karta roobka gu’a.

Muqdisho (Raxanreeb ) –Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniino hor leh oo ku saabsan suurtagalnimada dhibaatooyin ka dhalan kara roobka xilliga gu’a ee ka curtay meelo badan oo dalka , iyadoo ay soo baxyaan cabsi roobka laga qabo in dhibaatooyin uu gaysto.

Wasaaradda Deegaanka XFS ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka, kuwaas oo soo billowday 20-kii bishan April.

Warbixinta wasaaradda ayaa sheegtay in Webiga Shabeelle uu khatar ugu jiro in uu fataho gaar ahaan magaalada Jowhar oo ay ka harsan tahay kaliya 23 cm ee billowga fatahada Wabiga Shabeelle.

Warbixinta ayaa lagu xusay in waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS ay ku boorineyso dhamaan bulshada Soomaliyeed in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeri ah.

Wabiga Shabeelle ayaa waxaa ay xilligaan cabsi weyn laga qabaa inuu fatahaad xooggan sidoo kale uu ka geysan karo gobollada Shabeellooyinka marka la eego xadiga biyaha badan ee Wabiga

Waxaan baaq u dirayanaa shacabka Soomaliyeed, Ganacsatada, Culimada, Dowlada Federalka Somaaliya iyo Hay’addaha aan dowliga ahayn ee ku howlan arimaha bini-aadanimada in ay Dar-dar Galiyaan gurmadka iyo taageeradooda ku aadan xaaladan adag ee ay bulshada Soomaaliyeed ay xiligan wajahayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.