Digniinno hawada ah oo lagasoo saaray qaybo kamida Mareykanka

Digniinno hawada ah oo lagasoo saaray qaybo kamida Mareykanka

New York (Raxanreeb) — Dugsiyada dowliga ah ee magaalooyinka New York iyo Washington DC waxay baajiyeen dhammaan dhaqdhaqaaqyadii bannaanka sababo la xiriira tayada hawada oo liidata oo uu sababay dabka kaymaha ah ee Canada.

Shan iyo toban gobol oo Mareykanka ah ayaa laga soo saaray digniino dhanka tayada hawada ah, iyadoo qiiqa uu ku faafay koonfurta.

Cirku waxa uu isu rogay midab guduud ah oo qiiq u uku jiro guud ahaan New York iyo meelaha kale.

Duqa magaalada, Eric Adams, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in sida ugu wanaagsan ee looga ilaalinayo qiiqa ay tahay in gudaha lagu jiro.

Qiiq ayaa ku fiday ilaa South Carolina.

Dabbka ayaa ka holcaya ku dhawaad ​​dhammaan tobanka gobol iyo dhulalka Canada.

In ka badan boqol iyo labaatan kun oo qof ayaa laga daad gureeyay guryahooda.