Dilka askariga gaysta waxaa sabab u ah Odayaasha ”Hadal Yaab leh”

Dilka askariga gaysta waxaa sabab u ah Odayaasha  ”Hadal Yaab leh”

Muqdisho (Raxanreeb) Magaalada Muqdisho dhawr mar waxaa ka dhacay dilal inta badan lugaha ay kula jiraan ciidanka Dowladda Federaaalka Soomaaliya.

Badanaa askariga Dowladda oo lagu qoro hab dhaqan ayaa keena in la xisaabin waayo fal- damiyeedyada ka dhaca magaalada Muqdisho iyo meelo ka mid ah dalka.

Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay sababta cadaalada u heli waayeen dhibanaayasha askarta ay waxyeelaysay ay tahay odayaasha dhaqanka oo qaab diya ah u kala qaata wixii dhacay oo si hoos ah u xaliya.

“Askariga waxaa qorta kuwa guryahooda wax loogu soo qaban waayay oo waxaa keenaya xildhibaankiisa oo garka qabsanaya taliyaha wax sharuud oo askarnimo ah u soo marin taas ayaa keenta dhibaatada ”
Tusaalle ninkii ninka dilay waa uu baxsay odayaashii ayaa yimid oo leh arintii waa la xaliyay waa kaa askriga baxday sidee la yeelayaa dhibaato dhan waxa ay ka bilaabataa Odayaasha dhaqanka ” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Hadalkan ayaa tusaale u ah sida Booliska Saraakiisha Booliska aanay u awood u ahayn in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan maalin kasta Booliska.

Dad badan ayaa ciidanka Booliska waxa ay ku dhibaateeyeen meelo ka mid ah magaalada Muqdisho kuwaas oo weli ah cadaalad sugayaal .

Leave a Reply

Your email address will not be published.