Diyaarado dagaal oo duqeeyay bariga Galgaduud & Faahfaahin laga helayo

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Dad ku sugan Degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay duqeymo xoogan ay ka dhaceen deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Guriceel iyo Ceel buur ee bariga gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaasha ayaa ku waramaya in duqeymahan saacado badan ay ka dhaceen deeganadaas oo ka mid ah meelaha ay gacanta ku hayeen Kooxda Al- Shabaab.
Qof ku sugan Degmada Guriceel ayaa yiri.

” Duqeynta ayaa ka dhacday xarruumo ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo ku yaalla deegaanka Bulacle iyo deegaanno kale oo hoos yimaada degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud ”

Maamulka degmada Guraceel oo RBC uu la xiriiray ayaa ka gaabsaday – in wax faahfaahin ah uu ka bixyo duqeymahan iyo waxyeelada ay gaysatay.

Duqeynta Diyaaradaha ayaa timid ka dib markii gelinkii dambe ee shalay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaannada Sina-dhaqo iyo Bulacle oo 30KM u jira magaalada Dhuusamareeb.

Maalin ka hor Ciidamada maraykanka ee qaaradda afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa sheegay in 27 xubnood oo ka tirsan ururka alshabaab in ay ku dileen duqayn ka dhacday deegaan hoostaga gobalka Hiiraan.

Ciidamada Maraykanka ayaa inta badan duqaymo dhanka cirka ah ka fuliya deegaanno ka tirsan gobalada dalka, waxaan howlgalkan la sheegay in lagu fuliyay codsi dowladda federaalka kaga yimid.

Leave a Reply

Your email address will not be published.