Doorasho adag oo maanta ka dhaceysa Turkiga

Doorasho adag oo maanta ka dhaceysa Turkiga

Istanbul (Raxanreeb) — Maanta oo Axad ah, waxaa 81-ka gobol ee dalka Turkiga ay shacabka u dareeri doonaan codbixinta doorashada Dowladaha Hoose, iyada oo si gaar ah indhaha loogu hayo magaalada ugu dadka badan Turkiga ee Istanbul.

Guddoomiyaasha gobollada, maayarrada magaalooyinka, guddoomiyaasha degmooiyinka ilaa xaafadaha ayaa lasoo dooran doonaa.

Ankara iyo Izmir ayaa lagu wadaa in ay ku guuleystaan mucaaradka, hase yeeshee xisbiga talada haya ee AKP ayaa dagaal adag ugu jira sidii uu u soo ceshan lahaa Istanbul.

Waxaa lasii saadaalinayaa meelaha ay ku kala adkaan karaan Xisbiga Talada haya ee AK Party iyo axsaabta kale ee Mucaaradka ah ee iskaashanaya iyada oo meelo badan indhaha lagu hayo sida Ankara iyo Izmir oo mucaaradka loo badinayo in ay gacanta ku dhigi doonaaan.

Xisbiga talada Dalka Turkiga haya ee AKP ayaa hardan adag u galaya sidii uu mucaaradka ugu gacan maroojin lahaa Magaalooynka muhiimka ah si ay usii kordhaan codadka guud ahaan Shacabka maanta codaynaya.