Muqdisho ( Raxanreeb Online) Gelinkii dambe ee shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wefi uu hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Mikhail Bondanov, ahna Ergeyga gaar ah ee madaxweynaha Ruusha u qaabilsan Bariga Dhexe iyo dalalka geeska Afrika.
Wefdigan ayaa maanta la filaya inay kulamo kala duwan la qaato madaxda ugu sareeysa dalka.
Wefdigan oo hadda ku sugan Muqdisho, ayaa ujeedkoodu waxa uu yahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dowladood, iyada oo hadda la doonayo in dib loo bilaabo iskaashigii ballaarnaa uu dhaxeeyay labada dal.
Qodobada ugu muhiimsan ee labada dhinac ay diirada saari doonaan waxaa kamid ah arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha,amniga iyo mashaariicda horumarineed ee labada faa’idada u leh.
Dhinaca kale wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Ruushka.
Leave a Reply