Dowladda federaalka iyo Mucaaradka oo kulamo gaargaar ah ka wada Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb Online) waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamada gaargaar ah ee Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Mucaaradka ay uga arrinsanayaan qodobada miiska saaran ee la xiriira Doorashooyinka, Dastuurka, amniga iyo in ay sii socdaan kulamada u dhaxeeya.

Shirka oo qabsoomay Arbacadii iyo Khamiistii ayaa hakad galay Jimcihii hakad si labada dhinac ay usoo sameeyaan wadatashi la xiriira arrimaha muhiimka ah ee doodda adag ay isku dhaafsanayaan labada dhinac, sida ay inoo shegeen ilo ku dhow shirka.

Geesta kale maanta ayaa lagu waday in markale la isku arko Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaana xubanan ay sii amba qadaan wadahadallada u dhaxeeya.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankaas uu dib u dhacay si ay usoo tashtaan Madaxda Federaalka iyo kuwa Mucaaradka si dhinac weliba uu u xoojiyo qodobada uu muhiimka u arko.

Leave a Reply

Your email address will not be published.