Dowladda Kenya oo shaacisay inay xoogga saareyso la dagaallanka Al-Shabaab

Dowladda Kenya oo shaacisay inay xoogga saareyso la dagaallanka Al-Shabaab

Nairobi (Raxanreeb) — Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale oo la hadlay dadweyne isugu soo baxay in uu la kulmo waxa uu u sheegay in Xukuumadda Nairobi ay go’aan ku gaartay sidii ‘AS’ ay uga soo afjari lahayd sii joogitaanka Dalkaas.

Shacabka, Mas’uuliyiinta Ismaamullada Xiga Xadka Soomaaliya, Saraakiisha & Ciidamada Ammaanka ayuu usoo jeediyay in ay wadajir u shaqeeyaan si uu u mira-dhalo howlgalka ka socda deegaannada dhaca Soohdinta.

Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa shaaciyay in Dowladdiisa ay diyaarisay ciidamo ka howlgalla deegaannada inta badan ay ka dhacaan weerarrada ‘AS’ ka geysato Dalkaas si ay usoo afjaraan waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaas ku daray in Kenya ay tayeyneyso Ciidamada ammaanka si ay ugu suuragasho ka gungaarista howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ isla markaana kahortagaan khatarta ka dhalan karta weerarrada ay ka geysaneyso deegaannada kala duwan.

“Kenya waxa ay sii wadi doontaa howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ waxaana xoogga saareynaa tayeynta ciidamada si ay awood buuxda ugu yeeshaan kahortagga khatarta Argagixisada, waa in aan si wadajir ah ula dagaalannaa una soo afjarnaa” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Difaaca Kenya.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa muddooyinkii dambe waday qorshe uu ku ballaarinayo howlgallada ciidanka ammaanka ay ka wadaan deegaannada dhaca Xadka Soomaaliya.