Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaya in dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ciidamo badan geeysay xaafadaha ay deggan yihiin xubnaha mucaaradka.
Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in gaadiidka dagaal gaar ahaan kuwa hay’adda Nabad Sugida Qaranka, lagu arkayo inta u dhaxeysa hotel Jaziira iyo Isgooyska km4 oo ay deggan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka.
Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta ay dowladda ciidamada halkaasi ugu daadisay, balse xubnaha mucaaradka ay dhankooda wada kulamo culus wax aay uga soconayaan hoyga madaxweyne hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Geesta kale xubnaha mucaaradka ayaa horay madaxweyne Xasan Sheekh, ku eedeeyay inuu doonayo inuu cadaadiyo, isla markaana uu Villa Somalia, ku sii joogo muddo kordhin sharci darra ah, waxa ayna hoosta ka xariiqeen haddii uu miiska wada-hadalka ku soo laaban waayo ay qaadi doonaan tallaabo ay ku bad-baadinayaan dowladnimada Soomaaliya.

Leave a Reply