Baydhabo ( Raxanreeb Online) Axmed Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe, ayaa ku soo baxay doorasho goordhaw ku soo idlaatay magaalada Baydhabo, isaga oo si ramsi ah loogu doortay hoggaamiyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Aadan Madoobe ayaa ku soo baxay codad aqlabiyad leh, waxa uuna helay 89 cod, halka musharaxa la tartamayay uu helay 1 cod, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka.
Geesta kale Sheekh Aadan Madoobe, ayaa asiga oo aan iska casilin xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya la tartamay musharax Cabdicasiis Maxamed Cismaan ( Jawaari).
Natiida doorashada ayaa horay loo sii ogaa, madaama Villa Somalia ay watay Aadan Madoobe.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply