Dowladda oo gadiid iyo hub ku soo bandhigtay gurigii madaxweyne hore Shariif ee Mirinaayo

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir, ayaa hoyga uu xaafada Mirinaayo ka degganaa madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ku soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay sheegtay inuu asiga lee yahay.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hub badan oo sharci darro ah ay gacanta ku dhigeen kuwaasi oo ay ku jiraan qoryaha waa weyn ee BKM, RBG iyo Dhashiike oo uu tilmaamay in ay halis guud ku yihiin amniga Caasimada Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in dhibka Mirinaayo lagula xisaabtami doono madaxweynihii hore Sheekh Shariif. Waxa uuna ku hanjbaad u diray siyaasiyiinta isaga sheegay in ay dhammaatay waqtigii qoriga lagu raadin jiray siyaasadda.

“Siyaasiyiinta digiinta aan siinayo waxa ay tahay, maanta waa dhammaatay waqtigii qoriga lagu raadin jiray siyaasadda. Waxaa nahay dhallinyaro u taagan in ay dalka ka qabtaan cid walbo oo wax u dhimeysa amniga” ayuu yiri taliye Macalin Mahdi.

Sikastaba, tallabaadan ayaa timid kaddib markii waan waan ay sameeyeen taliyaha ciidanka xoogga iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, ay suura-gelisay in madaxweynihii hore Sheekh Shariif uu dib ugu laabto gurigiisi hore ee ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib dagaal qaatay dhowr saacad uu Mirinaayo ku dhex-maray ciidankiisa iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.