Kulan lagu xoojinayo amniga doorashada hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Saadiq Abshir Garaad, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Guddiga iyo Xoghayaha Guud, ayaa maanta magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula yeeshay laamaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka howlaha amniga, si loo xaqiijiyo jawi deggan oo ammaan ah inta lagu guda jiro diyaar-garowga iyo qabsoomidda doorashada Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay adkeynta amniga goobaha doorashada iyo sugidda nabadgelyada dhammaan dhinacyada ku lugta leh geeddi-socodka doorashada.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa xusay inuu sii laba-jibbaarayo dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashadu ku qabsoonto si xor ah, hufan, daahfuran, isla markaana waafaqsan shuruucda, xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka dalka

Leave a Reply

Your email address will not be published.