Muqdisho ( Raxanreeb Online) Iyada muddooyinkii dambe ay soo baxayeen in ay jiraan Maraakiib laga lee yahay dalka Shiinaha, ay sifo sharci darro ah uga kalluumeysanayaan xeebaha Soomaaliya, ayaa arrintaas waxaa beenisay wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ee xukuumadda Soomaaliya.
Qoraal kazoo baxay wasaaradda Kalluumeysiga, ayaa difaacday Maraakiibta Kalluumeysiga ee Shiinaha in ay si sharci darro ah u jogaan Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay heystaan rukhsado sharci ah oo ay siisay dowladda Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa tilmaamtay in Maraakiibtan ay u hoggaansameen shuruucda Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah ee Badaha, taasi oo muujineysa xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal.
Wasaaradda ayaa cambaareeysay dhammaan falalka sharci darrada ah ee ka dhaca biyaha Soomaaliya, oo ay kamid yihiin kalluumeysiga aan ogolaanshaha heysanin.
Sikastaba, hadalka kazoo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa ku soo aadaya xili warbixino dhowaan soo baxay ay sheegayaan in Shiinaha uu kalluumeysi sharci darro ah ka wado xeebaha Soomaaliya, kaasi oo lagu xaalufinayo kheyraadka badda.

Leave a Reply