Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa shaaca ka qaaday in maanta dalka dib loogu soo celiyay 30 muwaadin oo Soomaali ah oo oggolaanshahooda looga soo kaxeeyay dalka Liibiya kadib xabsi iyo xaalado adag oo nololeed oo halkaasi ku haysatay.
Wasiir kuxigeenka oo qeyb ka ahaa masuuliyiinta soo dhaweeysay dhallinyarada,ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya, ay mar walbo ka shaqeyneyso in dalka ay ku soo celisay muwaadiniinta ku dhibaatoonaya xabsiyada caalamka.
Wasiir ku-xigeenka ayaa tilmaamay in maalmaha soo socda ay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa soo gaaraan ku dhowaad 60 muwaadiniin kale, kuwaasoo iyaga laga soo badbaadiyey halisyo naf iyo maalba leh.
Tallaabadan waa qayb ka mid ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto yareynta tahriibka sharci darrada ah, oo ay dad badan oo Soomaaliyeed ku waayeen noloshooda.
“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda, waxaan ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn inay si buuxda uga qayb qaataan badbaadinta muwaadiniinteenna, arrintanina waa mas’uuliyad wadareed”, ayuu yiri wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda.
Sidoo kale, waxaan wasiir ku-xigeenka in ay ka codsaneynaan laga bilaabo maanta, hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ay si adag ula dagaallamaan shabakadaha tahriibka ee dhalinyaradeenna ka dhoofinaya gudaha dalka.
Leave a Reply