Washington (Raxanreeb Online) Madaxweyne Donald Trump ayaa haatan shaaciyay inuu dhaqan galay heshiiskii xabad joojinta.” Fadlan haa ku xad gubin”, ayuu yiri.
Sida ku cad wakhtiga uu Trump, xabad joojinta la soo jeediyay waxay bilaaban lahayd xiligan la joogo.
Ha yeeshee Israa’iil si cad uma aqbalin xabad joojinta la soo jeediyay, Iraanna way beenisay inay ogolaatay wax xabad joojin ah
In yar ka hor, Iiraan waxay sheegtay in ay weerarrada joojinayso haddii ay Israa’iil joojiso.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Syed Abbas Araghchi wuxuu ku qoray bartiisa X in haddii ay wakhtigan Israa’iil joojiso “duullaankeeda sharci darrada ah” aysan Iiraan doonayn “in aan sii wadno jawaabaheenna xilligaas ka dib”.
Araghchi wuxuu intaa ku daray in Israa’iil ay duullaanka joojiso 04:00 xilliga dalkaas oo hadda la dhaafay. Weli wax war ah kama hayno dhinaca Israaiil.
Leave a Reply