Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay duqeymo laga fuliyay gobolka Bari

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay duqeymo xagga cirka ah oo lala beegsaday kooxda Daacish oo ka dagaalameysa deegaano katirsan gobolka Bari.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka oo kaashaneysa Taliska  Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ay labo duqeyn oo cirka ah ka fuliyeen Puntland.

“Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, meel qiyaastii 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso, halka duqeyntii labaadna ay dhacday 1-da Juun 2025, meel qiyaastii 72km koonfur kaga beegan isla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee dowladda.

Sidoo kale bayaanka kasoo baxay dowladda, laguma faah faahin khasaaraha rasmiga ah ee kooxda ku gaaray duqeymaha la kala fuliyay 1-da bishan Juun iyo 31-dii bishii May.

“Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarada argagixiso ee khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah, “ ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay  Taliska AFRICOM, waxayna mar kale shaacisay  in ay adkaynayso sidii wadida ciribtirka kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.