Dilalka rayidka oo ka socda gobolka Amhaarada oo kordhay.

Dilalka rayidka oo ka socda gobolka Amhaarada oo kordhay.

Adis Ababa (Raxanreeb ) Shaqaalaha caafimaadka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ugu yaraan 26 qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqayn diyaaradaha aan duuliyaha wadin oo ka dhacday gobolka Amxaarada.

Ciidamada federaalka dawladda Itoobiya iyo maleeshiyaadka gobolka ayaa isla safnaa colaaddii ka dhacday gobolka Tigray, hase yeeshee labadaasi dhinac ayaa dagaal uu ka dhexeeyey afartii bilood ee lasoo dhaafay.

Weerarkan duqaynta ah oo dhacay Axaddii ayaa ka dhacay magaalada Finote Selam, oo ka tirsan Galbeedka Gojam ee gobolka Amxaarada.

Dhakhtar ku sugan Finote Selam oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in dadka kusoo dhaawacmay weerarkaas ay soo gaareen cisbitaalka.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay soo gaareen warar lagu kalsoon yahay oo ah duqayn ka dhacday Finote Selam iyo laba goobood oo kale oo ka tirsan gobolka Amxaarada oo kala ah Burie and Debre Birhan.

Dadka la qabtay waxaa ku jira mudane ka tirsan baarlamaanka oo lagu magacaabo Christian Tadele, iyo tifaftiraha barta internetka ee Alpha Media, oo lagu magacaabo Bekalu Alamrew.

Leave a Reply

Your email address will not be published.