Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgal dalka looga saarayo kooxda AS

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dardargelinayso diyaarinta howlgallo ballaaran oo isugu jira duqeymo dhinaca cirka ah iyo hawlgallo dhulka ah, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo fariisimaha iyo goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha maleeshiyaadka Al-Shabaab ee deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in howlgalka la qorsheynayo uu noqon doono mid culus, isla markaana ujeeddadiisu tahay in la kordhiyo cadaadiska lagu saarayo Al-Shabaab iyo in la xoojiyo amniga deegaannada ay kooxdu ka howlgasho.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay sii wadidda howlgalada amniga, isagoo sheegay in ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha amniga ay diyaar u yihiin fulinta qorshayaasha la dejiyay. Wuxuu shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ay la wadaagaan xog kasta oo ka qeyb qaadan karta sugidda amniga iyo ka hortagga falalka amni-darrada.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya, ay sii waddo dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, dibna loogu soo celinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada ay weli ka jiraan caqabadaha amni ee gobollada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.