Muqdisho ( Raxanreeb Online) Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, uusan sii socon karin haddii uusan helin garab iyo taageero dhaqaale oo joogto ah oo ay bixiyaan beesha caalamka iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado la xiriira maalgelinta, saadka iyo taageerada farsamo, kuwaas oo muhiim u ah sii wadista howlaha lagu taageerayo ciidamada amniga Soomaaliya iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in haddii aan si degdeg ah loo helin taageerada loo baahan yahay, ay adkaan karto in howlgalka uu si buuxda u guto waajibaadkiisa, taasoo saameyn ku yeelan karta dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Midowga Afrika ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan howlgalka AUSSOM, si loo xaqiijiyo sii socoshada howlgalka loona ilaaliyo guulaha amni ee laga gaaray Soomaaliya.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamka ay wadaan wadatashiyo ku saabsan mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo sidii loo heli lahaa maalgelin waarta oo lagu sii ambaqaado howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Leave a Reply