Dowladda Soomaaliyeed oo 129 muwaadiniin Soomaaliyeed ah dalka dib ugu soo celisay

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda federaalka Soomaaliyeed, ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 129 muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo badan ku xirnaa xabsiyo ku yaalla magaalooyinka dalka Liibiya.

Dowladda ayaa muddooyinkii dambe kordhisay dedaalka ugu jirto badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan daafaha caalamka.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho, ayaa laga soo dejiyey 110, halka 19 kalana laga dejiyay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, La-taliyaha Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Soo Celinta Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta, iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde. Masuuliyiintu waxay muwaadiniinta u jeediyeen dardaaran iyo wacyigelin ku aaddan inay ka fogaadaan tahriibka iyo khataraha uu leeyahay.

Soomaali badan ayaa ku xiran xabsiyo ku yaalla dalalka Caalamka, kuwaasi oo ka cararay dagaalada iyo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.