Dowladda oo duqeyn ku dishay 27 xubnood oo katirsan kooxda AS

Shabeellaha Hoose ( Raxanreeb Online) Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay duqeymo is xig-xigay la bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan Al-shabaab ee deegaannada Tawakal, Nuun Garre iyo Ugunji ee gobolka Shabeellada Hoose.

Duqeymahaas ayaa lagu dilay 27 xubnood katirsan Al-shabaab, halka labaatameeyo kale lagu dhaawacay. Sidoo kale, waxaa la sheegay in la burburiyay gaadiid, hub, saanad ciidan iyo fariisimo ay kooxdu u adeegsan jirtay abaabulka iyo fulinta falalka lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa loogu mahadcelinayay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka maleeshiyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa mar kale xaqiijinayay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.