Dowladda Turkiga oo Soomaaliya u kordhisay diyaaradaha dagaalka…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sida wararka soo baxaya ay sheegayaan dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay Soomaaliya u kordhisay taageerada dhinaca diyaaradaha dagaalka, xilli dalka uu ka taagan yahay muran siyaasadeed iyo amni oo sii xoogeysanaya.

Arrintan ayaa ku soo aaday xilli Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ay dowladda Federaalka ku eedeynayaan tallaabooyin ay ku tilmaamayaan kuwo hal dhinac ah, gaar ahaan kuwa la xiriira siyaasadda, amniga iyo diyaar-garowga doorashooyinka.

Taageerada milatari ee Turkiga ayaa qeyb ka ah xiriirka iskaashi ee labada dal, iyadoo Soomaaliya ay muddooyinkii dambe si weyn u xoojisay awoodda ciidamadeeda cirka iyo dhulka.

Dhinaca kale, mucaaradka iyo Puntland ayaa walaac ka muujinaya sida loo adeegsan karo awoodaha cusub ee milatari, xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada iyo siyaasiyiinta dalka.

Dadka falanqeeya arrimaha amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Haddii taageerada diyaaradaha dagaalka ay sii ballaarato, ay wax ka beddeli karto awoodda ciidan ee dowladda Federaalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.