Muqdisho (Raxanreeb) — Habeenkii labaad waxa duqeyn xagga cirka ah lala beegsaday magaalooyinka Saakow iyo Salagle ee gobolka Jubada Dhexe, iyadoo la soo weriyay khasaare dad rayida gaaray.
Sida ay baahisay warbaahinta taageerta Alshabaab duqeyntii ka dhacday Salagle waxa ku dhintay hooyo iyo ilmo ay dhashay. Dhinaca Saakowna, waxa ku dhaawacmay qof rayida, iyadoo burbur xoog lehna uu gaaray dhismaha shirkadda Hormuud ee magaaladaasi iyo guryo dad rayida leeyihiin.
Sawirro shirkadda Hormuud ay la wadaagtay BBC-da ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo gaaray xaruntooda, inkastoo shaqaalaheedu ka bad qabaan duqeynta.
Sarkaal ka tirsan Hormuud ayaa BBC-da u sheegay in xafiisyada shirakada iyo gawaari ay ku burbureen duqeynta.
Illaa hadda lama yaqaano cidda lahayd diyaaradaha duqeeyay Saakow iyo Salagle.
Magaalooyinka gobolka Jubada Dhexe oo dhan waxa maamula ururka Alshabaab.