Muqdisho (Raxanreeb) — Maamulka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa soo bandhigay eedeysane loo haysto dil loo geystay marxuum Cabdullaahi Cali Hudey.
Guddoomiyaha degmada Guriceel Faarax Cabdi Macallin, ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay eedeysanaha oo hadda uu ku jiro gacanta maamulka.
Goddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgallo iyo dedaallo dheeraad ah, oo ay sameeyeen laamaha amniga iyo bulshada qeybaheeda ay suurta gashay in eedeysanaha gacanta laamaha amniga uu soo galo.
Faarax Cabdi, ayaa oo hadalkiisa wata ayaa sheegay, in au ku wareejin doonaan maxkamadaha caddaaladda si loo mariyo caddaalad, gacan ku dhiiglaha, dilka ku eedeysanaha ayna bulshada ku kala badbaadi karto.
Eedeysanaha ayaa loo haystaa 4 maalmood ka hor in uu dilay Cabdullahi Hudey, Odayaasha dhaqanka ayaa u mahad celiyay bulshada qeybaheeda kala duwan soo qabashada eedeysanaha.
Dilkan iyo kuwoo ka kale ayaa loo sababeynayaa inay tahay aanooyin qabiil kuwaas oo ka socday deegaannada Galmudug iyo Galgaduud halkaas oo ay isku beegsanyeen bishii hore iyo tanba beelo wada dega deegaannadaasi oo walaalo ah.