Asmara (Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eritrea Cismaan Saalax, ayaa sheegay in dalkiisu walaac ka qabo qorshe kasta oo ay Israa’iil ku doonayso inay joogitaan milatari ka samaysato Somaliland.
Cisman Saalax ayaa su’aal geliyey ujeeddada ka dambaysa qorshe kasta oo Israa’iil ay saldhig milatari uga samaysanayso Geeska Afrika, isagoo tilmaamay in arrintan ay yeelan karto saameyn ballaaran oo ku saabsan amniga iyo xasilloonida gobolka.
Wasiirku wuxuu sidoo kale muujiyey in Eritrea ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada milatari iyo kuwa istiraatiijiga ah ee ka socda Badda Cas iyo Geeska Afrika, oo ah deegaan muhiim u ah isu-socodka ganacsiga iyo ammaanka caalamka.
Haddii Israa’iil ay dhab ahaan ka samaysato saldhig ama joogitaan milatari Somaliland, arrintaasi waxay noqon kartaa isbeddel istiraatiiji ah oo saameeya xiriirka iyo loollanka ka jira gobolka, gaar ahaan dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Eritrea waxay muddo dheer muhiimad gaar ah siisay ammaanka Badda Cas, waxaana dowladda Asmara ay si joogto ah uga digtaa faragelinno shisheeye oo ay u aragto kuwo wax ka beddeli kara dheelitirka amni ee gobolka.
Sikastaba hadalka Cisman Saalax ayaa sidaas darteed kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan doorka quwadaha shisheeye ee Geeska Afrika iyo muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan marka la eego goobta ay ku taallo oo ku dhow marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Leave a Reply