Faah faahin: Nin xaaskiisi hore ku dilay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wararka ka anu ka heleyno deegaanka Darmooleey ee duleedka Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in halkaas wiil dhalinyaro ah uu ku dilay gabar u qabi jiray.

Gabadhaas oo ay sannad ka hor kala tageen islamarkaana u haysay Gabar ayuu dilkeeda ku gaystay tooreey kuna dhuftay 32 tooreey ama dhaawac islamarkaana si arxan darro ah u jar jaray sida la tilmaamay.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Siciid Cali Kaabax ayaa la wariyay in marxuumadda Alle ha unaxariistee Hodan Cabdullaahi Saddex u dilay Maseer dartii xilli ay ka diiday in ay isku laabtaan ( dib isku guursadaan).

Dadka deegaanka ayaa wariyay in Eedeysanaha uu dhibsaday hasaawe marxuumadda ay la waday wiil uu garanayo Eedeysanaha sidaa darteeda marka ay ka diiday ku laabashada uu dilay.

Laamaha Ammaanka ee Degmada Heliwaa ayaa la sheegay in ay baadi goobayaan Eedeysanaha maadaama uu ka baxsaday deegaanka uu dhibka ka geystay.

Alle ha unaxariistee marxuumadda ayaa maydkeeda la geeyay C.I.D-da si diiwaanka dowladda loo geliyo, kaddibna waa la aasay sida eheladeeda ay sheegeen.

Ehelada ayaa dalbaday in la soo qabto Ninka Gabadhooda dilay sidoo kalena loo dilo sida gabadhooda uu u dilay.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.