Jowhar ( Raxanreeb Online) Maamulka Hir-shabeelle, ayaa ka warbixiyay ciidamada dowladda federaalka ay geysay magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hir-shabeelle iyo sababta ka dambeysa.
Wasiirka wasaaradda amniga ee maamulka Hir-shabeelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre, ayaa sheegay in ciidamada cusub ee dowladda Soomaaliya geysay magaalada Jowhar ay qeyb weyn ka qaadan doonaan sugida amniga iyo xasiloonida gobolka.
Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in tallabadan ay qeyb ka tahay dedaalada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Hir-shabeelle, waxa uu xusay in labada dhinac uu ka dhaxeeyo Isfahan siyaasadeed oo ku aadan xoojinta nabadgalyada iyo hirgelinta qorshayaasha dowladnimada dalka.
“Warar laga baahiyay baraha bulshada waxba kama jiraan, ciidamada tagay Jowhar waxa ay u tageen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga laguna ciribtirayo khawaarijta” ayuu yiri wasiirka amniga ee maamulka Hir-shabeelle.
Hadalka wasiirka, ayaa imaanaya xili saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu baahiyay cutubyo katirsan ciidanka Gorgor oo ku sii jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe, inkasto ilaa iyo hadda aysan dowladda dhexe faah faahin buuxda ka bixin halka si saxda ah ay ugu wajahan yihiin ciidamadan.

Leave a Reply