Q.M oo ku baaqday in baaritaan in lagu sameeyo muhaajiriin lagu gubay Liibiya

Libiya (Raxanreeb ) Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta Liibiya in baaritaan lagu sameeyo dilka 15 muhaajiriin ah oo lagu gubay meel u dhaw magaalo xeebeedka Sabratha.

Waxay ku boorisay Qaramada Midoobay masuuliyiinta dalka Liibiya, inay si degdeg ah u bilaabaan baaritaan madax-banaan oo daahfuran, si cadaaladda loo horkeeno dhamaan dadkii ku luglahaa falkan foosha xun.

Liibiya ayaa sanadihii la soo dhaafay marin muhiim ah u ahayd dadka doonaya inay tahriib ku galaan Yurub, gaar ahaan Talyaaniga.

“iyada oo weli lagu mashquulsan yahay in la ogaado xaaladda dhabta ah, ayaa haddana wararka hordhaca ahi waxay sheegayaan in dilkan uu ka dhashay, iska dhac dhexmaray kooxaha wax tahriibiya” ayuu sheegay xafiiska Qaramada Midoobay ee Liibiya.

Meydadka muhaajiriinta ayaa Jimcihii laga helay doon ku gubatay meel u dhaw xeebta magaaladaas.
Liibiya ayaa ah marin muhiim ah oo si qarsoodi ah looga tahriibiyo dadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.