Falastiiniyiin lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ka gaysteen Daanta Galbeed

Gaza (Raxanreeb) — Lix falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin ee ku taalla daanta galbeed, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka dhintay uu mas’uul ka ahaa dilka laba wiil oo Israa’iiliyiin ahaa.

Weerarkii Hawaari lagu qaaday ayaa waxaa cambaareeyay beesha caalamka oo dhan.

Duulaanka oo dhacay galabnimadii Talaadada ayaa ka dhacay xero qaxooti oo inta badan bartilmaameed u ah howlgallada Isra’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay adeegsadeen gantaalada garbaha laga rido ka dib markii dagaalyahano hubeysan oo deegaanka ah ay rasaas ku fureen ciidamo saarnaa gaari ambalaas ah.

Waxaa la sheegay in rasaas xooggan la is weydaarsaday, iyadoo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayaan qiiq ka baxayay dhismo iyo diyaarado Helikobterro ah.