Farmaajo oo kulan la qaatay Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka Dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş, kaas oo ku booqday hoygiisa Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha amniga, iyo sidii loo xoojin lahaa kobcinta maalgashiga gudaha.

Madaxweynihii hore Farmaajo, ayaa bogaadiyay dowladda Turkiga oo uu ku tilmaamay dal walaal ah oo Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, isaga oo uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u muujiyaan Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.