FASHIL ku yimid in la hor istaago shir ka dhici lahaa maanta Garoowe.

Garoowe (Raxanreeb ) Maanta oo Talaada ah waxa waddooyinka magaalada Garowe la dhigay ciidamo fara badan kuwaas oo la sheegay in ay adkaynayaan amaanka.

Arintan ayaa ka danbeysay ka dib markii la sheegay in  magaalada ay ka jirto cabsi la xiriirta dhanka amaanka iyo in rabashado ay ka dhacaan.

Waxaa lagu soo waramayaa in la doonayay in la fashilayo shir magaalada Garoowe ay ku yeelan lahaayeen xubno ka socda Beesha Caalamka iyo xukuumadda Soomaaliya si ay uga hadlaan arrimaha doorashooyinka .

Madaxwaynanaha Puntaland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku adkeysanaya in uu Puntland ka hirgelinayo mudada u hartey nidaamka dimuqraadiyadda gaar ahaan doorashooyinka goleyaasha degaanka ee is-mari-waaga uu ka taagan yahay.

Siyaasiinta maamul goboleedka Puntland ayaa aaminsan in waqtiga yar ee haray aysan suurtagal ahayn iyo in waddanka uu wajahayo abaar aad u saameysay dadka iyo duunyadda.

Madaxwaynaha Puntland Saciid  Deni ayay ku eedeeyeen in uu barnaamijkan ugu mayal-adeegayo si uu ugu gaaro dano siyaasadeed oo ah in uu xukunka kusii joogo illaa doorashadda soo aadan ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.