Maamulka Dharkanlay ” Dhib ayay nagu hayaan cayaal- weerada “

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwo ka howlgala dharkanlay ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mid ah cayaal weeraro dhibaato ku hayay dadka degmada.

In ka badan 13 ka mid ah kooxaha cayaal – weerada ayaa maanta oo Talaada ah lagu soo bandhigay saldhiga Booliska Degmada Dharkanlay ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmada Dharkanlay Guhaad Sheekh Xasan  ayaa sheegay in howlgal  qorshaysan ay ku soo qabteen dhallinyaradan oo uu sheegay in dhibaato ba’ an ay ku hayeen dadka degmada ku nool.

” Cayaal – weerada dhibaato ba’ an ayay nagu hayeen laakiin waxaan xooga saari doonaa sidii loo ciribtiri lahaa  ma ah wax loo dulqaadan doono qofkastana waa inuu gacan ka gaystaa ” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Dharkanlay ee Muqdisho.

Degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa dhibaato ku haya wali kooxaha Cayaal- weerada kuwaas oo mararka qaar dil u gaysta dadka shacabka ee ku nool caasimadda.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray in wax xooga ah hoos u dhaceen kooxahan ka dib markii ciidanka Dowladda laba jibaareen howlgalada ka dhanka ah kooxahan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.