Minneapolis (Raxanreeb Online) Gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Aisha Faarax Yuusuf ayaa lagu toogtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dalka Mareykanka kadib muran la xiriiray lacag dhan $50.
Booliiska Minneapolis ayaa sheegay in haweeney lagu magacaabo Hanrietta ay ka dambeysay falka dilka ah, kaddib markii muran uu dhexmaray labada dhinac gudaha guri ku yaalla magaalada Minneapolis.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in muranka kadib ay haweeneydaasi qori lasoo baxday islamarkaana rasaas ku furtay Aisha Faarax Yuusuf, taasoo sababtay dhimashadeeda.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in eedeysanaha markii hore goobta ka baxsatay balse gadaal dambe ay ciidamada ammaanka gacanta kusoo dhigeen.
Dilkan ayaa dhacay May 9, 2026, waxaana kiiska hadda baaritaankiisa wada ciidamada ammaanka iyo maxkamadda gobolka Minnesota.

Leave a Reply