Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan ayaa looga hadlay Qorshaha Hirgalinta Dastuurka Soomaaliya, kaasi oo ahmiyad weyn u leh hey’adaha dowladda, siyaasadda dalka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulanka guddoomiyey, ayaa sheegay in laga bilaabo maalinkii uu saxiixay Madaxweynaha iyo Maalinkii lagu soo saaray faafinta rasmiga ah uu dhaqangal yahay dastuurka, balse hirgalintiisa farsamo ahaan ay ku caddahay Dastuurka laftiisa, taasi oo qaadanaysa muddo, gaar ahaan arrimaha ku saabsan maamulka.
Warbixinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa lagu sheegay in golaha la hor-keeni doono qaraar qeexaya shaqooyinka horu-tabinta leh ee Dastuurka ku jira ee 12-ka bilood ee soo socota la qabanayo, iyada oo loo eegayo duruufadaha uu dalka ku jiro, iyo baahiyaha loo qabo, waxaanna shaqooyinkaas ka mid ah guddiyo iyo hay’addo aad muhiim ugu ah socodsiinta shaqooyinka Qaranka, sida Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Dakhliga Qaranka.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo golaha ka-hor jeedisay qorshaha lagu hirgalinyo dastuurka, muddada iyo farsamada, ayaa soo jeedisay ujeeddooyinka muhiimka ah ee uu leeyahay hirgalinta dastuurka dalka, kaasi oo qeexaya hubinta in dhammaan qodobbada dastuurka la hirgaliyo muddada dastuurka ku qeexan ee ah inta u dhaxeysa sanadaha (2026-2029).
Golaha ayaa sidoo kale dhagaystay warbixinno ku saabsan doorashooyinkii Qof iyo Cod ee ka qabsoomay degmooyinka Koonfur Galbeed iyo kaalintii ay ka qaadatay Warbaahinta Qaranka, warbixin la xiriirta wadahaladii laga galay arrimaha doorashooyinka ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Hormuudka ka ahaa.
Ugu dambayn, Golaha ayaa ansixiyey Siyaasado, Heshiisyo iyo Xeer-nidaamiyayaal muhiim u ah horumarka Qaranka Soomaaliyeed, waxa ayna kala yihiin
1- Siyaasadda Qaran ee Horumarinta Isboortiga Soomaaliya.
2- Xeer-Nidaamiyaha Dib-u-Howlgalinta iyo Mideynta Hannaanka Ceymiska Bulshada ee Qaranka Soomaaliyeed.
3- Heshiiska u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga kuna saabsan dhiirrigalinta iyo ilaalinta is-dhaafsiga Maalgashiyada.
4- Cusboonaysiinta heshiis u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga kuna saabsan Waxbarashada.
5- Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Leave a Reply