Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa xalay ka qayb galay Kulan dadweyne oo shacabka magaalada Dhuusamareeb ay ku weydiiyeen su’aalo ku saabsan dagaalka Al-shabaab.
Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Galmudug ay isla garteen in la sameeyo howlgal ka baaxad weyn kii hore, hadafkooduna uu yahay in Al-shabaab Gamudug looga saaro.
Maxaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale xusay in hadafkooda koobaad, labaad iyo Saddexaadba uu yahay amniga, nabad gelyao la’aanna uusan jirin wax horumar ah.
Dhanka kale Ciid ayaa sheegay in ay socdaan dedaallo ay beeluhu ku garab istaagayaan Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug, iyagoo soo bandhigaya malleeshiyaad deegaanka oo djowaan lasoo bandhigay si ay u garab istaagaan ciidanka xoogga si la xoreeyayna ay ka hirgelyeen laamahii amniga iyo adeegyadii bulshada, si ay dib ugu soo laabato noloshii caadiga ahayd ee bulshada.
Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay inAl-shabaab ay isaga baxeen deegaanno badan markii ay maqleen howlgalka xooggan ee iyaga kusoo wajahan, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan
Leave a Reply