Muqdisho ( Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho , waxaa caawa ka dhacay qarax kaas oo laga maqlay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Qarax ayaa ka dhacay jidka 21 October waxaana lala eegtay Gaari Baraado ah inkastoo faahfaahin aan laga bixin
Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray , kuwaas oo xiray halka uu qaraxu uu ka dhacay ee wadada 21- October.
Xaafadaha halka uu ka dhacay qaraxa waxaa isku faafiyay ciidanka Dowladda kuwaas oo sameeyay howlgal baaris ah.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee la xiriira qaraxa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.
Leave a Reply