Gantz oo iska casilay Xakuumadda Dagaalka ee Isra’il

Gantz oo iska casilay Xakuumadda Dagaalka ee Isra’il

Benny Gantz oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda dagaalka ee Ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii shalay is casilay, tallaabadaasi oo cadaadiska ku sii kordhineysa Netanyahu.

Gantz ayaa ahaa xubinta kaliyah ee xisbiyada siyaasaddoodu dhex-dhexaadka tahay ee ku jiray xakuumadda ay majaraha u hayaan isbaheysiga midigta fog ee Isra’il. Waxa uu xukuumaddani ka tirsanaa tan iyo inti uu billowday dagaalka Gaza muddo hadda laga joogo siddeed bilood.

Is casilaadda Gantz ayaanan khatar deg deg ah hadda ku aheyn dowladda Isra’il, hase yeeshee yeelan karta cawaaqib halis ah, isla markaana ka dhigtay xukuumadda Isra’il ee hadda jirta mid ay isugu soo hareen wasiirro gabigoodba ah kuwo mayal adag oo si aada ah u jira dhinaca midigta fog.

Benny Gantz ayaa horay uga digay is casilaadiisa haddii uusan Natanyahu la iman istaraatiijiyad cad oo ku aaddan Gaza, xilli Isra’il ay sii wadday dagaal millatari oo ay ku dishay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo uu uga jawaabayay is cazillaadda Ganz ku sheegay, in aanan hadda la joogin waqti laga tago dagaalka.

VOA