Gargaarkii ugu horreeyay ee gaaray Syria

Dimishiq (Raxanreeb) — Kolonyadii uu horreysay ee gaadiid gargaar siday ayaa gaarartay dhullka Woqooyiga Galbeed Suuriya ku yaalla ee ay Mucaaradku gacanta ku hayaaniyagoo ka yimid Turkiga.

In ka badan 1700 qof ayaa ku dhimatay gobolkaasi oo laheyn qalalbka wiishashkaama isbitaalo shaqeynaya.

Isu socodka xuduuda ayaa xirnaa tan iyo markii uu dhacay dhulariirka kaas oo burburiyey waddooyinka .

Turkiga ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo furista labo waddo oo kale oo ku yaalla woqooyga Suuriya kuwaas oo laga soo galisn karo Suuriya gargaarka loo baahanyahay ee gobolada ay dowalddu ka taliso.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowladda Suuriya in ay u oggolaato hay’adaha caalamiga ah in ay goobaha oo dhan gargaar geeyaan oo ay ku jiraan melaha ay mucaaradku lka taliyaan ,.

Isagoo ka hadlayey shir ka socda magaalada Genevaayuu Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya , Geir Pedersen,ayaa shegay in loo baahan yahay in la hubiyo in socodka gargaarka la sii wado.