Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa loo magacaabay inuu dhex dhexaadiyo ciyaarta kama dambeysta ah ee UEFA Super Cup 2026, kaddib markii loo diiday fursad uu kaga qayb geli lahaa Koobka Adduunka FIFA sababo la xiriira in loo diiday gelitaanka Mareykanka.
UEFA ayaa manta shaacisay in 34-jirkan uu hagi doono ciyaarta furitaanka xilli-ciyaareedka ee koobka Yurub, taasoo dhex mari doonta kooxda ku guuleysatay UEFA Champions League ee PSG iyo kooxda heysata UEFA Europa League ee Aston Villa, 12-ka Agoosto waxayna ka dhici doontaa magaalada Salzburg ee dalka Austria.
Magacaabistan ayaa timid kadib wadatashi dhex maray UEFA iyo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), waxaana ay ku soo aadaysaa xilli uu Cumar Cartan taageero ballaaran ka helayay ka dib markii si muran leh looga reebay Koobka Adduunka.
Cartan, oo tan iyo 2018 ka mid ahaa liiska garsoorayaasha caalamiga ah ee FIFA, waxaa loo arkaa mid ka mid ah garsoorayaasha ugu sarreeya Afrika. Waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta Garsooraha Sanadka ee Ragga CAF 2025, sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa 52 garsoore oo FIFA u xushay Koobka Adduunka 2026.
Si kastaba ha ahaatee, riyadiisii Koobka Adduunka ayaa si lama filaan ah u dhammaatay kadib markii loo diiday inuu galo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Miami, inkastoo uu watay baasaboorka diblomaasiga ah iyo fiisaha Mareykanka ee hal-galitaan ah oo ansax ah.

Leave a Reply