Madaxweyne Xasan ” mar walba albaabada wada-hadalka dowladda wey u furan yihiin mucaaradka”

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay mar walbo diyaar u tahay  wada-hadalka kasta oo xal looga gaarayo khilaafka kala dhaxeeya mucaaradka, waxa uuna carabka ku dhuftay in albaabka wada-hadalka uu mar walba furan yahay.

Madaxweyne Xasan, ayaa tilmaamay in beesha Caalamka ay mar walba Soomaaliya la garab taagneed caawinta xaaladaha ka jirta dalka, balse waxa uu xusay in arrimaha siyaasadeed ee Soomaalida ay tahay in Soomaalidu dhexdeeda ay ka tashato.

Waxa uu tibaaxay madaxweynaha in dowladiisa go’aamisay in khilaafkasta oo jira lagu xaliyo gudaha dalka, halka lagu qaban lahaa shirar iyo wada-hadalo dibadda ah sida horay u dhici jirtay.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in xal laga gaari karo khilaafka u dhaxeeya dowladiisa iyo mucaaradka uu tilmaamay in la wadahadlo ay muhiim tahay.

“ Dowladda mar walba albaabadeeda wey u furan yihiin wadahadal, waxa ayna diyaar u tahay in mucaaradka ay kala hadasho cabashooyinka ay ka qabaan doorashada, si xal looga gaaro” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in wada hadal joogta in ay lee yihiin madaxdii hore, isla markaana wax walbo xal laga gaari doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.