Garsoore Cumar Cartan oo si weyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa saakay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kaddib markii loo diiray inuu galo Mareykanka, si uu uga qeyb galo koobka Adduunka, iyada oo noqon laheyd markii ugu horeeysya oo garsoore Soomaaliyeed uu dhex-dhexaadiyo tartanka ugu weyn ee kubadda Cagta ee Caalamka.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa garsoore Cumar Cartan ku soo dhoweeyay, mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda Soomaaliya iyo shacab badan.

Garsoore Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo laabashadiisa Soomaaliya, iyo sida shacabka iyo dowladba ay u soo la dhaweeyeen una muujiyeen garabka istaag weyn.

Sidoo kale garsoore Cumar ayaa sheegay in uu u mahad celinayo xiriirka kubada Cagta caalamka ee FIFA, waxa uuna tilmaamay in ay si wanaagsan u garab istaagtay, isla markaana waxa uu tibaaxay inuu rajeynayo in koobabka kale ee soo socda uu meel wanaagsan ka gaari doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.