Washington ( Raxanreeb Online) Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka J. D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku aad ugu dhow yahay inuu gaaro heshiis si “waqti dheer” u xallin doona barnaamijka nukliyeerka Iran, balse heshiiskaasi uu suuragal noqon karo toddobaadyada ama bilaha soo socda.
“Waqtigan, waxaan dareemayaa inaan ku jirno xaalad aan ku gaari karno heshiis u wanaagsan Maraykanka dhinaca dhaqaalaha, isla markaana si dhab ah u xallinaya barnaamijka nukliyeerka Iran,” ayuu yiri J. D. Vance.
Waxaa uu xusay in mustaqbalka ay Mareykanka faa’ido ugu jirto heshiiska lala gaari doono Iran.
“ma aha kaliya hadda ama inta Donald Trump uu xilka hayo, balse mustaqbalka fog, ilaa heer carruurtaydu marka ay weynaadaan ay dhihi karaan: Iran ma yeelan doonto hub nukliyeer ah,” ayuu ku sheegay wareysi uu siiyay CBS.
“Taasi waa ujeeddada siyaasadda noocaas ah,” ayuu raaciyay. Waxaan aaminsanahay inaan aad ugu dhow nahay gaarista yoolkaas. Laakiin weli shaqo badan ayaa naga hortaagan, waana sii wadeynaa.”
Mr. Vance wuxuu sheegay in heshiiska uu si dhab ah u dhici karo ka hor doorashooyinka bartamaha xilliga ee bisha November.

Leave a Reply