Xiriirka kubadda cagta oo doorasho ‘’is barbaryaaca’’ ah ku qabtay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) Dood badan aaya ka dhalatay maanta doorashooyin is bar bar yaaca ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu kala doortay  cida noqonaysa Guddoomiyaha xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed.

Hotelo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa mid kasta xaadiray xubno la sheegay in ay ka qayb galeen doorashooyinka is bar bar yaacaya ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho , taas oo si aad ah ay u hadal hayaan bahda Cayaaraha.

Waxaa lagu kala doortay doorashooyinka Cali Cabdi Max’ed Cali Shiine iyo Xasan Aadan xaaji yabarow Washiis waxaana labadaba loo Doorta Gudoomiyaha Xiriirka Somaliyeed ee Kubada Cagta.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya kulano gooni gooni ah oo ay leeyihiin , xubnaha  la doortay waxaana mid kasta dhinacyada uu la kulmayo u sheegay inuu isaga yahay kan saxda ee hoggaamin doono , xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Cayaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kaalin ka qaadan doonto sida ay xal uga gaar lahayd  khilaafka soo cusboonaday ee ka  jira xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Baraha bulshada waxaa harqiyay maanta falcelinta ka imaanaysa bahda cayaaraha kuwaas oo dhankooda siyaabo kala duwan u taageeraya labada dhinac oo mid kasta sheegaya in isaga uu yahay kan sharciga ah ee la doortay.

Xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed waxa waaydanba  ka jiray muran xoogan oo sababay in maanta  ugu danbeyn magaalada Muqdisho ay ka dhacaan doorashooyin is bar barsocda oo saamayntooda leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.