Golaha Mustaqbalka oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Gogosha uu fidiyay madaxweyne Xasan

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin, Puntland, Jubbaland iyo madasha sama-tabixinta Soomaaliyeed, ayaa ka jawaabay gogosha uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh 10-ka May.

Golaha Mustaqlka ayaa shuruud uga dhigay gogosha in marka hore la joojiyo doorashada qof iyo cod ee ay dowladda federaalka iyo in la helo dhex-dhexaadayaal madax banaan oo laisku raacsan yahay.

Sidoo kale qoraalka kazoo baxay madasha ayaa lagu sheegay in haddii la gaaro 15-ka May oo aan heshiis laga gaarin doorashada, ay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo ay ku badbaadinayaan midnimada iyo jiritaanka ummada Soomaaliyeed.

Sikastaba hadalka kazoo baxay mucaaradka ayaa ku soo aadaya, iyada oo wakiilada Beesha Caalamka ay dhankooda ku baqeen in heshiis laga gaaro khilaafyada dalka ka jira, si qalalaaso siyaasadeed uu dalka uga dhicin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.