Golaha shacabka oo u codeeyey guddiga madaxbanaan ee xuquuqul Insaanka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaanad Baarlamaanka golaha shacabka ee Soomaaliya, oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, ayaa ansixiyay guddiga madaxbanaan ee xuquuqul insaanka oo ay horgeeysay wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya.

Dood dheer kaddib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay 142 mudan ayaa ogolaatay, waxaana ka aamusay hal xildhibaan, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha shacabka.

Dhinaca wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaiya Khadiijo Maxamed Al-makhzuumi, ayaa soo dhoweeysay codeeynta guddiga, iyada oo shegtay in ay tahay tallaabo kale oo dalka uu gaaray.

“Waan uga mahadcelinayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS, inay anxisiyaan Guddiga Xuquuqul insaanka Qaranka” ayey tiri wasiirka Khadiija.

Sidoo kale Wasiirada ayaa sheegtay in anxisinta Guddiga Xuquuqul Insaanka ay ka tarjumayso sida maanta Golaha Shacabka ay ugu hiiliyeen Dalka, aduunkana ay u tuseen muhiimada ay leedahay isku duubnaanta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.